Sheekh SHAAKIR oo lagu rasaaseeyay Dhuusamareeb iyo xiisad culus oo taagan

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhaw rasaaseeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shakir Cali Xasan.

Sheikh Shaakir ayaa xilliga la rasaaseeyay ku sugnaa afaafka hore madaxtooyada Galmudug ee INJI oo haatan uu ku shaqeeyo.

Xarunta INJI ayaa waxaa dagan hoggaanka Sare ee Ahlu-Sunna Waljameeca, qaar ka mid ah saraakiishii Ahlu-Suun, guddigii doorashada Galmudug ee uu magacaabay Sheikh Shaakir iyo xubno kale oo siyaasad ahaan taabacsan Ahlu-Sunna.

Shaakir ayaa xilliga la rasaasaynayay waxa uu taagnaa goob banaanka ka ah xarunta uu ku shaqeeyo ee INJI, halkaas oo uu ka socday dhismaha difaac ay galaan ciidamada ilaalinaya xarunta uu daganyahay ee INJI (Koolba Waardiye).

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay rasaastaas ay caawa ciidamada dowladdu ku fureen madaxa xukuumadda Galmudug, walina ma jirto labada dhinacba cid ka hadashay arintaas.

Waxaana heegan la galiyay dhamaan ciidamada ka amar qaata hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, kuwaas oo ku kala sugan magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana cawa kacsan xaaladda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Ahlu-Sunna ay ciidamo ku daabuleyso xarumaha INJI iyo dowladda hoose ee magaalada.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com