Boqolaal qof oo gobolka Tigray-ga lagu xasuuqay iyo wararkii ugu dambeeyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in boqolaal qof oo shacab ah lagu xasuuqay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo dad goobjoogeyaal ah ay ku eedeeyeen ciidamada kooxda gobolka maamusha ee TPLF.

Waa dhacdadii ugu horreysay ee lagu soo weriyo khasaare nafeed xooggan oo shacabka kasoo gaaray dagaalka u dhaxeeya xisbiga TPLF iyo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Warbixinta Amnesty ayaa timid maalin kadib markii dowladda Abiy ay sheegtay in ciidamadeeda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray.

“Amnesty International waxay maanta xaqiijin kartaa in tobaneeyo ama boqolaal qof lagu dilay magaalada Mai-Kadra ee Koonfurta Galbeed ee gobolka Tigray, habeenkii 9-ka November ayada oo la adeegsanayo mindiyo iyo baangado,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Amnesty.

Amnesty ayaa sheegtay inay xaqiijisay sawirro iyo muuqaallo laga argagaxo oo laga soo duubay meydadka dadkaas.

Meydadka waxaa ka muuqday dhaawacyo u muuqda inay sababeen hubka wax jara sida mindiyaha iyo baangadaha, ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidamada TPLF kadib markii ay guul-darro kala kulmeen militariga dowladda, inkasta oo Amnesty ay sheegtay inaysan si madax-banaan u xaqiijin karin cidda ka dambeysa xasuuqan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay TPLF oo ku aadan dhacdadan.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray ayaga oo ka adkaaday ciidamada deegaanka, oo uu ku eedeeyey xasuuq.

“Galbeedka gobolka Tigray waa la xoreeyey. Ciidamada dowladda waxay hadda kaalmo iyo adeeg bani’aadannimo siinayaan shacabka, wayna quudinayaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Ayada oo is-gaarsiinta gobolka ay go’an tahay, way adag tahay in si madax-banaan loo xaqiijiyo sheegashada Abiy.