Xog: Ciidanka ilaalada Villa Somalia oo la-dallacsiiyay hal arrin-na laga codsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay dhamaan ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaano Koofiya-cas, waxaana saraakiishooda loo jeediyay dardaaran iyo talooyin ka yimid Madaxweynaha.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo dalacsiiyay dhamaan ciidanka koofiya-casta waxa uuna u sheegay in ay ku amaanan-yihiin qaabkii ay ula shaqeeyeen Madaxweynaha oo hada gabo-gabo ah muddo xileedkiisa.

Xogaha aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ciidanka kula dardaarmay in ay noqdaan ciidan Qaran oo ay iska dhigaan Shaatiga Qabiilka iyo nin Jecleysiga, isagoo aad uga kala hadlay dhiiri gelinta colaada ee siyaasiinta qaar.

Ciidankaan oo maalmihii la soo dhaafay in badan oo kamid ah u socday tababar iyo kulamo wacyi gelin ah ayaa la sheegay in waqtiyo badan loo aqriyay fariimo iyo talooyin ka yimid Madaxweynaha halka waqtiyo aan badneen uu Madaxweynaha qaabilay saraakiil ka tirsan ciidanka Koofiya-casta.

Dhamaan dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Madaxweynaha uu saraakiisha ku adkeeyay in aysan u dhaga-nuglaanin hadalada qabyaaladeysan ee siyaasiinta isagoo sidoo kale u sheegay inuu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay oo si wadajir ah min hal darajo u dalacsiiyay ciidankaan.

Khubarada amniga ayaa sheegay in talaabooyinkaan ay yihiin kuwa uu Madaxweynaha ku xoojinayo moraalka ciidanka ilaalada u ah maadaama uu dalka galay xaalad adag, islamarkaana ay jiraan siyaasiin badan oo ku baaqaya in dadka Banaadir, HirShabeelle iyo Galmudug isku duubni muujiyaan.