Britain oo qaadatay go’aan adag oo la xiriira dilka loo geystay Jamal Khashoggi

London (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in eedeysanayaashasi u dhashay Sacuudiga laga mamnuuci doono in ay gudaha usoo galan Britain.

“UK waxay fiisaha kala laabaneysaa dhammaan muwaadiniinta Sacuudiga ee lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin dilka Jamal Khashoggi si looga hortago inay soo galaan Uk”.

Ra’isul wasaaraha waxa ay hadalkaasi ka sheegtay mar ay ka hadleysay baarlamaanka dalkeeda waxayna sheegtay in wali ay harsan yihiin baahiyaha degdega ah si loo ogaado xaqiiqda waxa ku dhacay xiriirka arrintan.

Theresa May, hadalkeeda ayaa soo baxay kadib markii waaxda arrimaha dibadda Mareykanka sheegtay in 21 muwaadiniin Sacuudiyan ah aan lasiin doonin fiiso ay ku galan Mareykanka.

Dhinaca kale, Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay go’aan ka qaadan doonaan mustaqbalka istiraatiijiyada xiriirka ay la leeyihiin Sacuudiga.

Illo ku dhow qasriga Madaxweynaha Faransiiska ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters inay go’aan ka qaadan doonaan arrintasi marka lasoo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee dilkaas iyo marka la cadeeyo dadka sida dhabta ah uga mas’uulka ah dilkaas.

Source: Al-Jazeera