25.1 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Turkiga oo maxkamadda danbiyada caalamiga la wadaagay dilka Khashoggi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbuul (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay inay suuragaltahay in macluumaadka baaritaanka dilka Jamaal Khashoggi ay la wadaagan Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ICC.

Wasiirka ayaa sheegay inay hayaan macluumaad dhameystiran oo ku qotoma dilka Jamaal Khashoggi waxa uuna tilmaamay in Maxkamada ay ku wareejin doonaan haddii uu kaga imaado codsi.

Mevlut Cavusoglu, waxa uu tilmaamay in macluumaadka dilka Jamaal ay ku aamini karaan keliya Maxkamada danbiyada ka hor inta aan la shaacin.

“Waxaan ku aamini karnaa keliya Maxkamada ICC, waxa ay wareejinta macluumaadka imaankarta waa haddii aan codsi ka helno maxkamada”

Sidoo kale, Dowlada Turkiga ayuu sheegay inay ka fiirsan doonto cida ay la wadaagi doonto macluumaadka laga helay baaritaanka Qunsuliyada iyo dilka suxufi Jamaal.

Haddalka Mevlut Cavusoglu, ayaa imaanaya xili ay dowlada Turkiga ay macluumaadkasi u diiday inay la wadaagto jihooyin dhowr ah.

Caasimada Online

Xafiiska Istanbuul

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News