Madax goboleedyada oo xisbi siyaasadeed u gaar ah uga dhawaaqay Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shirkoodii 4-aad ee Garoowe isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay.

Guddoomiyaha xisbiga ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha xisbiga xisbigan oo ka hadlayey ayaa sheegay inay sabab u tahay inay Soomaaliya u dhaqaaqday dhanka xisbiyada si dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

“In la sameeyo xisbi ay ku mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, tusaale ahaan 4-tan meesha isugu timid, inshaa-allah waan rajeynayaa Hirshabeellaha inay ku soo biiri-doonto, waxaan rabnaa xisbigu inuu ahaado xisbi u eg Soomaaliya, xisbi ka tarjumaha Soomaaliya oo dhan, xisbi Soomaali oo dhan ay ku midowgo inu noqdo, kolay markii la dhiso, waxaa arki-doontaa nooca uu yahay, mabaadii’diisa, ujeedooyinkiisa, intaas oo dhan aan ku soo bandhigi-doonno”

Sameynta xisbigan ayaa qeyb ka ah dadaallo xooggan oo socda oo maamul goboleedyada ay uga go’an tahay inay ku carqaladeeyaan dowladda federaalka, kuna xaqiijiyaan inaysan gaarin hadafyadeeda siyaasadeed ee laga garao doorashada cusub ee 2021.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com