Bulshada Rayidka oo si weyn u beeniyey war ay faafisay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa beeniyey war ay caawa sheegtay madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsanaa waxyaabihii ay kala hadleen kulan ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Villa Somalia ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in Bulshada Rayidka ay taageereen doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taasi oo ah waxa madaxweynaha Farmaajo u adeegsanayo isku daygiisa muddo kororsi, maadaama aan dalka laga qaban karin doorashadaas.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu yiri “Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.”

Si kastaba, war-saxaafadeed ay soo saareen Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa gebi ahaan taas lagu beeniyey waxayna ku caddeeyeen inaysan madaxweynaha kala hadal wax hanaan doorasho ah ah.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Bulshada rayidku waxay maanta la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxayna ka wada hadleen arimaha doorashooinka, waxayna la wadaageen aragtidooda taas oo ah in nooca doorashada ku timaado wada ogol isla markaana wadanka laga ilaaliyo qalqal siyaasadeed. Nasiib daro warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in bulshada rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale “qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,”

“Bulshada rayidku waxay cadaynayaan inaanay taageerin nooc doorasho gooni ah islamarkaana aanay jirin qorshe ay si gooni ah u taageerayaan,” ayuu intaas ku daray qoraalka Bulshada Rayidka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran