Cabdullahi Ganey Gadafo oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya dilalka loo geysanayo Soomaalida ku ganacsata gudaha wadanka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in dilkii u dambeeyey saacadihii la soo dhaafay loo geystay, Cabdullahi Ganey Gadafo oo ku sugnaa magaalada Cape Town ee dalkaasi

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay marxuumka ku dileen goobtiisa ganacsi, kadibna ay baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goor dambe meesha uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo Boolis ah oo baaritaano kooban sameeyey.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin Soomaalida.

Inta badan waxaa weeraradaas fuliya kooxo burcad ah oo u dhashay dalkaasi, kuwaas oo sidoo kale boob u geysta hantida muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.