Deni ma wuxuu bedelayaa mowqifkiisa ku aadanaa nooca doorasho ee dalka?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa markale ka hadlay mowqifkiisa ku aadan hanaanka doorashada qof iyo cod ee ay waddo VILLA SOMALIA, isagoona muujiyey dabacsanaan badan oo ku aadan qorshahaasi.

VILLA SOMALIA ayaa si weyn ugu adkeysaneysa inay dalka ka dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’, taasi oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay xeelad uu Farmaajo ku rabo muddo kororsi.

Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay inuusan marnaba ka soo horjeedin in la raaco hanaanka doorasho ‘qof iyo cod ah’, taasi oo go’aamadii shirka madaxda maamulada lagu soo saaray inaysan marnaba suurta-gal aheyn.

Deni ayaa si dad-ban usoo bandhigaya tanaasul dabacsanaan ah oo uu ka muujinayo qorshaha VILLA SOMALIA, inkasta oo uu sheegay in uu diidan-yihiin in la isku dhex qaldo qoorasho qof iy cod ah iyo nidaamka u baahan in laga gudbo ee 4.5.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in daruufaha xiligan ka taagan gudaha Soomaaliya ee kamid tahay amnigu uu suurtagal ka dhigeyn in doorasho qof iyo cod ah oo Shacabka Soomaaliyeed ay doortaan cidii ay doonaan.

Deni ayaa u muuqda qof kasoo dabcaya mowqifkiisa ku aadanaa nooca doorasho ee dalka, kaasi oo uu hore meel adag iskaga taagay.

Hadalka Deni ayaa sidoo kale u muuqan kara mid laab xaadasho oo ku aadan shirka ay isku hor-fadhiisanayan madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo cadeynta in Puntland aysan kasoo horjeedin hanaanka doorasho ee qof iyo cod ee baarlamaanku ansixiyey, balse xiligan caqabadaha ku gadaaman aysan saamaxayn.