Bulshada rayidka oo walaac ka muujiyey tallaabadii uu qaaday guddoomiye Jawaari

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa cambaareeyey falkii Guddoomiye Jawaari saaka ku qabsaday Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo sheegay in uu xasaannadii Xarunta Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Federaalka Soomaaliya uu meel uga dhacay.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen qalalaasaha uu geliyey baarlamaanka iyo ciidamada uu saaka lasoo galay xarunta, iyada oo ay wakhti kasta dhici kartay iska hor imaad ka dhaca meeshaas, ayna wax ku noqdaan xildhibaannada Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee baraha bulshada isticmaala ayaa welwel badan ka qaba sida uu Guddoomiye Jawaari u dhaqmayo, isaga oo markii hore u muuqday inuu ahaa nin sharciga iyo hannaanka dimuqraadiyadda ilaalinaya, balse lasoo baxay weji kale oo dib u celinaya sharafta iyo dowladnimada Soomaaliya.

Idaacaha Mudqisho qaarkood oo u furay dhegaysatayaasha aragtidooda ku aaddan waxyaabaha ka dhacaya aqalka Baarlamaanka saaka, ayaa niyad jab weyn ka muujiyey sida Guddoomiye Jawaari ku kacay oo shacabka iyo xildhibaanno badan ka caraysiisay.

Lama oga ilaa iyo hadda sida ay wax noqon doonaan, balse dad badan ayaa aaminsan in kalsoonidii iyo rajadii ay shacabka Soomaaliyeed ka qabeen guddoomiye Jawaari ay dhulka gashay oo waxbadan ay hoos u dhacday, iyagoo u arka in Jawaari hortaaganyahay horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com