Kulankii Baarlamaanka oo loo wareejiyey Villa Somalia iyo jawaari oo codka kalsoonida loo qaadayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibanaada kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh, Cismaan jawaari ayaa hadda kulankoodii ka furtay Xarunta madaxtooyada Villa Somaliya

Kulankaan oo uu shir guddoominayo gudoominaya Gudoomiye kunxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Muudey ayaa ajandihiisu wuxuu yahay xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari waxaana halkaas isugu tagay dhammaan Xildhibaanada ku kacsan Jawaari.

Xildhibaanadaan ayaa Guddoomiye Jawaari ku eedeeyey inuu la wareegay xaruntii Baarlamaanka isla markaasna uu sharciga qabo in meel ka baxsan lagu qaban karo kulanka Baarlamaanka haddii ay suurta geli weyso in Xarunta Baarlamaanka lagu qabto.

Xildhibaadanaan ayaa sheegay inay si kumeel gaar ah Xarun uga dhigteen Villa Somalia/

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo aan la hadalnay ayaa KNN u sheegay in kulankaan Xasaanadda ay uga qaadayaan Guddoomiye Jawaari oo ay mar kale ku eedeeyeen inuu sameeyay Xad gudub Dastuuri ah.

Wariye ka tirsan Caasimadda Online oo u sugan meesha uu kulankaan ka dhacayo ayaa soo tabinayo inay xildhibaanada saacadaha soo socdo codka kalsoonida u qaadi doonaan Guddoomiye.

Ilaa hadda si rasmi ah looma ogolaan tirada xildhibaanadaas, balse waxay sheegeyn inay gaarayaan ilaa 200 oo xildhibaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com