Muqdisho: In ka badan 25 arday oo ku sumaawday jalaato ay cuneyn iyo xaaladooda oo..

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ugu yaraan 25; Ardey ayaa saaka la geeyay Isbitaalka Keydsaney ee Degmada Kaaraan,kaddib markii Carruurtaas Ardeyda ah ay ku sumoobeen Jallaato ay cuneen xilliga nasashada Dugsiga.

Ardeydan waxaa ay dhigtaan Dugsiga Global ee Xaafadda Buulo Maaxaay ee Degmada Kaaraan, Inta badan Carruurtan waxaa ay ka sheegteen Beerka iyaga oo aad u matagaya.

Maxamuud Maxamed Xasan oo ah Maamula Iskuulka Global ee ay Ardeyda dhigtaan ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in carruurtaas uu hadda ku hayo Isbitaalka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho.

Maxamuud waxaa uu sheegay in Carruurtaas oo ay da’doodu u dhaxeyso 11 ilaa 17 ay ku sumoobeen Jallaato ay cuneen Nuska saac ee ay Xiisadaha ka nasanayeen.

Xaaladda Caruurta ayuu sheegay in hadda ay kala duwantahay,iyada oo qaar ay xaaladdooda liidato halka kuwo kalena ay soo kabanayaan.

Waaliddiinta Carruurtaas ayaa hadda ku sugan Gudaha Isbitaalka Keydsaney ee Degmada Kaaraan,halkaas oo ay ka wardhowrayaan xaaladda Carruurtooda.

Goobjooge ayaa sheegay in Dadka Deegaanka, Maamulka Iskuulka iyo Waalidiinta qaar ka mid ah ardayda ay u gurmadeen ardayda Sumoowday.

Waxaa la geyay Cusbitaalka keeysaneey oo ku yaala Degmadda Kaaraan.

Sidoo kale dhaqaatiirta Cusbitaalka ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in loo keenay arday Sumeeysan oo ay la tacaalayaan Xaaladooda Caafimaad.

Maamulaha Iskuulka ayaa sidoo kale Xaqiijiyay in ardaydu ay Jalaato ku sumoobeen, hadana baxnaanintooda lagu mashquulsanyahay.