Jawaari iyo Kheyre keebaan faataxada u marnaa

Kadib doorasahdii Somaliland, waxaa jirtay oraah qiimo badan oo kusoo korortay diiwaanka siyaasadda Soomaalida, waana oraahdii dhumucda, xigmadda iyo miisaanka weynayd ee “Dalkeyga damaceyga u burburin mayo, dadkeygana dhiigooda u daadin maayo.” Waxaa oraahdan dhaxalgalka yiri Guddoomiyaha xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro – waxay ahayd go’aan qaadasho ku saleysan waddaniyad iyo u turitaan shacab. Haddaba, arin taas u dhiganta ayaa hortaalla madaxda DF Soomaaliya ee uu Muqdisho fadhigeedu yahay, gaar ahaana Gudd. Maxamed Cismaan Jawaari iyo RW Xassan Cali Kheyre.

BAL DADWEYNOOW Khilaafka Gudd. Jawaari iyo RW Kheyre yaan Faataxada u marnaa, ducadana u raacinaa oo soo afjara ismarin-waagan siyaasadeed ee ku hor gudban hawlihii mudada kooban looga fadhiyay Dowladdan curdanka ah? Dabcan, haddii lagu guul-dareystay wadahadaladii iyo dhexdhexaadintii laga dhex waday labada dhinac iyo doorkii nabadoonimo ee madaxweynaha JF Soomaaliya #MC Farmaajo. AAN WEYDIISANO ama KU BOORINO

Guddoomiye Maxamed Cismaan Jawaari inuu fursad siiyo Soomaaliyada cusub “The New Somalia.” iyo xukuumadda NABAD IYO NOLOL ee uu hoggaamiyo #RW Xassan C Kheyre isagoo qiimeynaya, islamarkaana tixgelinaya sooyaalka noloshiisa iyo diiwaanka taariikhdiisa siyaasadeed ee dhiganayaasha ku qoran.

Guddoomiye dhawr arrimood aawadoodba, Fadlan Qaranka & Dowladnimada u tanaasul:

  1. Gudd. daqiiqadan aan kula hadlayo u maleyn maayo intaan aqaano inuu baarlamaanka ku jiro shakhsi kaaga aqoon badan, kaagana waayo aragsan qaanuunka dowladeed ee dalkeena. Maadaama aad aqoon ahaan sharciga baratay, muddana aad ku soo shaqeynaysay xirfad ahaan, haddana waxaan xasuusnahay inaad naga istaahisho inaad ka nasato siyaasadda iyo jahwareerkeeda – waxaa dhici karta inaad ilawday, balse Guddoomiye 70-ka ayaad sii dhaaftay, waxaadna 6 sano kor u dhaaftay da’da hawl-gabka sida ku cad sharciyada caalamiga ah ama kan dalkaaga 2-aad ee Norway. Fadlan eeg bogga NAV (Norwegian Labor and Welfare Administration) oo ah hay’adda Norway u qaabilsan Daryeelka shaqaalaha iyo dadka hawl-gabka.
  2. Gudd. Dabcan, waad xasuusan tahay inaad Qarankaan u soo shaqeysay adigoo kasoo bilaabay laamaha garsoorka, soo qabtay wasiirada Gaadiidka, Shaqaalaha iyo Isboortiska wakhtigii dowladii Kacaanka. Sidoo kalena, kadib dagaaladii sokeeye guddoomiye u noqday guddigii kasoo shaqeeyay qabyo-qoraalka Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo aad guddoomiye u ahayd muddo aad u dheer. Haddaba, mudane soo ma fiicna maadaama aad adiguba fursad u soo heshay inaad in ka badan 50 sanadood qarankan usoo adeegtay inaad dhaxalkaas sharaftiisa gurato, da’yarta haatan darka siyaasadda soo gashayna aad fursad siiso. Guddoomiye xasuuso xigmadii oraneysay “Taariikhdaadu waa dhaxalka ugu weyn ee aad uga tagi karto, qoyskaaga, qarankaaga iyo kuwa dhaxal sugayaashaada.” Fadlan taariikh iyo dhaxal wanaagsan nooga tag.
  3. Guddoomiye sidaan ognahay waxa guddoonkii Baarlamaankii 9-aad laguu doortay August, 2012 – waxaan filayaa inaad xasuusan tahay halka uu baarlamaankaas ku bas-beelay iyo inaad ugu dambeyntii adigu ku biirtay “Gollihii Madasha Qaranka” kadib markii aad ku guul-dareysteeb inaad dejisaan sharciyadii loogu tallo galay sare u qaadida amniga, dhissitaanka ciidamo qaran oo isku dhaf ah iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo dhammaan dalka laga hirgeliyo. Marba haddii madaxweyinihii isku wakhtiga la idin doortay uu meesha ka baxay, wey fiicnaan lahayd inaad adiguna Guddoomiye fursad siiso muwaadin kale oo masuuliyaddaas qaadi kara si aad u nasato, anaguna kuu xasuusano halgankaaga.
  4. Mudane Guddoomiye, dabcan waan hubaa inaad garawsan tahay hadalkii xigmadda badnaa ee taariikhda galay ee Maya Angelou oo ahayd gabar halgamaa madow mareykana ahayd ee tiri “Haddii aad dooneyso inaad noolaato weligaa, dhaxalna reebto. Dunida calaamad uga tag aanan la tir-tiri karin,” Fadlan, maanta fursad weyn ayaad heysataa ee calaamad iyo xasuus uga tag Soomaaliya aanan la tir-tiri karin Guddoomiye.
  5. Ugu dambeyntii waxay ila tahay Guddoomiye sooyaalkaaga taariikheed ee soo dhismayey tan iyo 1945-tii xiligii dhalashadaada iyo wixii aqoon, khibrad iyo saaxiibtnimo aad soo dhisaysay iyo sidoo kale wixii masuuliyad qaran ee aad ummaddan u soo qabatay maantay kuma baddelin kartid dagaal siyaasadeed fool-xun oo sababi kara inaad kamid noqoto dadka taariikhda madoow looga qoro dhiganayaasha Soomaalida. Haddaba, maadaama aad tahay Guddoomiyaheena, sharci-yaqaan khibrad dheer leh, oday Soomaaliyeed oo milgo, sharaf iyo ixtiraam dhammaanteen naga mudan, waxaan kuu soo jeedin lahaa aynu Faataxo aan ku marnee fadlan ka hor-wareeg dhalinyaradan cusub ee uu hormuudka u yahay #RW Xassan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa. Maadaama RW Kheyre uu leeyahay shacbiyad xooggan, waxaa fiicnaan lahayd in fursad la siiyo.

W/Q Abdiqafaar Shire

Abdikafarshire@gmail.com

Minneapolis, MN

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid