Burburinta dhulalka Xamar iyo waxa uu sharciga ka qabo (Aqriso qodobbada)

Waxaa ila haboonaataya in dhinaca sharciga laga fiiriyo amarka bur burinta dhul lagu tilmaamay in sharci daro lagu bixiyay. Si loo ilaaliyo sharciga Waa waajib dastuuri ah in masuul kastaa uu ilaaliyo sharciga, lagana hortago wixii sharci daro ah.

Fiiri: (Dastuurka ku meelgaaraka. Qodobka 26aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ayaa sheegeeysa in magdhaw la siiyo, haddii dhinacyadu isku raacaan ama maxkamadu Gu’aamiso.

Dhinaca kale fiiri Qodobka 43aad faqrada 3faqradda 3aad, xarafka( B) iyo “Civil code” dhulka aan Beer la tacbo aheeyn- qodobada :723 & 683 milkiyeeyn Hanti) iyo Qodobada kale ee sharciga somalida iyo Diinta Islaamku waxa ay ka qabaan dhowrida Hantida si gaar ah loo leeyahay.

Waxaa is weydiin mudan, dhulka la amaray in la bur buriyo Muwaadinku dhulkaa ma iska dhistay – obosiiba miyaa? Mise waa dhul loo siiyay milkiyad ama isticmaalo muddo?.

Haddii uu obosiiba yahay – iyadoo la tixgalinaayo nidaamka naqashadda Magaalada , bilicsamida , suuqeynta , biyo galinta ,caafimaadka iyo amaanka , waxaa la amari karaa in la jabiyo dhismaha islmarkaana waa in Muwaadinka la siiyo dhul uu dego , taana wax xaq dastuuri ah.

Haddii muwaadinka dhulka uu dhistay uu masuul Dowladeed oo sharci u lihi siiyay Dokumentiga dhulka, Muwaadinkuna sifadaas ku dhisatay Deegaan ama Ganacsi, Dowladda hoose sharciyan awood uma laha in ay amarto in dhulkaa dhismasan la bur buriyo.

Balse dowladda dhexe iyo dowladda hoose waxay xaq u yeelanayaan in ay bixiyaan amar ka noqoshada dhul heshiis isticmaal muddo lagu bixiyay, haddii ay dib ka soo cadaato, waa haddii markii hore sifo sharci daro ah lagu bixiyay dhulkaa.

Marka ay cadaato in sifo sharcidaro lagu bixiyay , waxaa dowladda dhexe la gudboon talabada sharci ah in ay qaado taa oo ah :

1. Ka Noqoshada heshiiska lagu siiyay muwaadinka in uu dhulkaa isticmaalo.

2. “Atadii” hore sharciyadeeda , lana cadeeyo in documentiga lagu bixiyay sharci daro.

3. In talaabo cad laga qaado masuulka bixiyay dhulka, laguna maxkamadeyo.

4. In la qiimeeyo dhulka, Faa’dada uu leeyahay & Dhibaatada dhaqaale, iyadaoo la fiirinayo:

a. Haddii dhismo bilicada magaalada u wanaagasan laga dhisay.

b. Haddii dhaqaale dowladda ka soo galeyso.

c. Haddii shaqaale ka shaqeeysanayaan faa’iidina ka helayaan .

Haddii sifooyinkaan laga helo waxaa dowladda dhexe laga doonayaa in ay u daneyso dakhliga dhaqaale ee ka imaanayo , lacagata lagu dhisay iyo shaqaalaha ka shaqeeynayo ( oo ay aheyd in dowladu shaqa u abuurto). Iyadoo la raacayo tilmaamaha hore waxaa dowladda dhexe ku waajib ah in ay cilad bixiso documentiga, cilad bixintaa oo noqonkarto :

d. Dhanka heshiiska lagu bixiyay dhulka , ka soo qaad waxaa lagu siiyay dhulka qiimo jaban , waqtigguna uu dheeryahay , Kirada raqiis-tahay iwm.

waxaa u furan dowlada dhexe in ay talabada toos ah ay qaado ama dowlada hoose ku talo siiso.

1- in dib loo qiimeeyo heshiiska dhul bixinta, kadibna qiimeyntaa dambe la sharciyeeyo laguna saleeyo documenti bixinta dambe.

2- Haddii ay muuqato in dowladda Lacag yar looga kireeyay markii hore waxa ay dalban kartaa Farqiga lacagta ee ka maqan oo kaliya.

3- Markaana Muwaadinkana waxaa u furan Cabasho Maxakamadda awooda u leh uu Abiil ka qaadanaayo go’aankaa, haddii uu ku qanci waayo go’aanada maxakamada waxaa u furan in uu qorto cabasho Madaxweyne.

waxaa dowladda dhexe waxaa u furan in heshiis cusub la gasho muwaadinka iyadoo gobtaa ganacsi ay noqoneyso shirko taa oo ah Hanti ay dowladda dhinac ka ledahay, dhinacana Hantigaar oo muwaadin leeyahay.

Sharcigu ma qabo in la burburiyo dhul sharci ahaan hore loogu bixiyay oo hanti badani gashay. Sharcigga waa in uu si siman wax uga wada qaban-karo kuwa falka sharci darada ah sameeyay- waxaa dhulkaan si sharci daro ah ku bixiyay dowladda hoose ama dowladda dhexe :

1. Masuulkii bixiyay waa in xabsiga la dhigo iyo intii kala shaqeeyasay.

2. Dowlad magaceeda ayaa muwaadinka lagu galayay falkaan waa in dowladda ay ogolaato in ay:

b. Ka noqosho amrka bur burinta.

c. Diyaariso in heshiis cusub lala galo Muwaadinka.

d. in ay Cudur daar Ka bixiso, gafka laga galay muwaadinka Hantidiisii la burburiyay ama loogu hanjabay.

Haddii ay dowladda hoose ku adkeysato amarka bixinta , dowladda dhaxena ku raacado , waxaa muwaadinka u furan in go’aanka amarka uu Cabasho ka qaato, kana dacwoodo Maxakmadda gobolaka oo awood qaanuun u leh galidda cabashada go’aanada maamul.

Haddii Dowlada dhexe u aragto Burburinta in ay dan guudu ku jirto, Muwaadinka waxa uu xaq ugu yeelanayaa dowladda dhexe :
a. in ay bixiso magdhaw , qiimaha dhulka lagu dhisay.

b. in ay bixiso magdhow qimmha faa’iido uu heli lahaa, mudada u dhexeyso markii laga Burburiyay ilaa uu ka dhisayo mid kale.

c. Dhulkaa lala wareegayna dib looma siin karo ,Shakhsi ama Shirkad gaar loo leeyahay.

Gunaanad.

Muwaadiniinta soomaaliyeed iyo masuuliyiintuba waa in ay xasuustaan in sharciga lawada dhowro , laguna dhaqamo waxa lagu heshiiyay. Muwaadinku kuma xadgudbi karo dowladda hoose iyo midda dhaxe, iyaguna kuma xad gudbi karaan. Haddii dhinac uu sharciga dhowri waayo, waxaa dheceysa in dhinicii kalena uu dhowri waayo.

Qore: Yahya Amir