Somaliland oo qaadeysa tallaabo middii maamulka killinka shanaad la mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dadaalka uu maamulka Soomaalida Ethiopia kusoo saartay shidaalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin dadaalka ay DDSI kusoo saarteen shidaalka, waxa uuna maamulku tilmaamay in rajo ay ka qabaan in dhankoodana ay kasoo saartan shidaal lamid ah kan DDSI.

Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa sheegay in waxbadan ay ka faa’iidi doonaan shidaalka laga soo saaray dhulka Soomaalida.

“Shidaalka laga helay dhulka Soomaalida waxaan ka faa’iideysan doonaa in anaguna aan ku dayano misna soo saarano shidaalka ku jira dhulkeena”.

“Waxa ay soo saaristaasi noo muujineysaa in dhulkeena Somaliland isna laga helaayo shidaal maadaama dhul aan sidaa nooga fogeyn laga helay shidaalka Soomaalida Ethiopia”

“Waxaan si dhow uga faa’iideysan doonaa ka iibsashada maadaama aanu dhibaato badan u mareynin soo gurista fuustooyinka shidaalka”

Sidoo kale, Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa cadeeyay in maamulka DDSI uu talaabada soo saarashada shidaalka ku dhiiri galiyay Somaliland, waxa uuna cod dheer ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo saran doonaan shidaal.

Somaliland ayaa sheegtay inay horay usii heysteen sahmin ku aadan dhanka dhulalka laga heli karo shidaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com