Burcad-badeed Soomaali ah oo la qabtay kadib arrin lama filaan ah oo ay kala kulmeen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa qabtay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jasiiradaha Marshall, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka fulisay ee ciidamada badda Midowga Yurub.

Burcad-badeedda ayaa rasaas ku furay markabka, iyagoo markaas saarnaa doon yar oo hub uu saarnaa, sida ay sheegtay xarunta howlgallada ganacsiga Marin-biyoodka UK, oo korjoogteysa marinnada markabka ee bariga.

Burcad-badeedda ayaa sitay qoriga nooca Kalashnikov iyo bambooyin, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka sida gaarka loo leeyahay ee Ambrey, weerarkaas ayaa kusoo aaday iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerareen maraakiibta maraysay Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb.

Markabka waxaa saarnaa ciidamo hubeysan, waxayna Burcad-badeedu ku fureen rasaas markii hore, balse rasaas kale ayey ugu jawaabeen ciidamadii saaraa markabka, taasi waxay sababtay inuu dab ka dhasho doontii ay wateen ragga burcadda ah.

Rasaastii laga soo riday markabka ayaa la sheegay inay haleeshay fuusto shidaal ku jiray oo saareyd doonta burcadda, taasi oo sababtay in dab ka dhashay doontiina gubato.

Ugu dambeytii qoladii la weeraray ee markabka waxay gurmad u fidiyeen oo badda kasoo badbaadiyeen burcadii, kuwaas oo la sheegay inay qabaan dhaawacyo aan la kala xaqiijin inay dab yihiin iyo rasaas yihiin.

Weerarrada badda ee muddooyinkaan socday ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.