Buubaa oo waxkama jiraan ku sheegay dadaalka Somaliland ee..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa ka hadlay qaabka ay Somaliland ku raadineyso Ictiraafka iyo dhabaha saxda ah ee lagu gaarikaro madaxbanaanida maamulka.

Buubaa waxa uu sheegay in Ictiraafka Somaliland uusan jirin halka laga baadi-goobaayo waxa uuna tilmaamay in Ictiraafka lagu gaaro Keliya dowladi un iyaga is ictiraafa.

”Dowladdo ayaa is ictiraafa ee QM wax ma ictiraafto, laakiin in dunida aqoonsiga Somaliland la xasuusiyo unbaa fiican”
Buubaa waxa uu sheegay in Somaliland ay aaminsan tahay keliya in ictiraafka uu yahay mid ku jira gacanta QM, waxa uuna meesha ka saaray in Hay’adda Qaramada Midoobay ay arrintaasi shaqo ku leedahay.

Waxa uu sheegay in inta badan mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ay ictiraaf ka raadiyaan QM, waxa uuna cadeeyay in ictiraafka Somaliland uu ku imaankaro iyadoo xoojisaa xiriirka dowladaha ay saaxiibada la tahay, wuxuuna ictiraafka saxda ah ku sheegay ficilkaasi.

”Anigu oran maayo iska dhaafay raadinta Ictiraafka ee waxaan madaxdu ku guubaabinayaa in raadinta ictiraafka ay u maraan dhabaha saxda ah, waxa ayna Somaliland madaxbanaani heli doontaa goortii aan xoojino xiriirka dowladaha kale”
Buubaa waxa uu mugdi galshay in Somaliland ay iminka ku taagan tahay wado sax ah, waxa uuna cadeeyay in qaabka hadda lagu shaqeynaayo ay tahay qaababka ay ku shaqeeyaan maamulada hoostaga dowlada Somalia.

Haddalka Buubaa ayaa imaanaya iyadoo madaxdii hore iyo kuwa iminka gacanta ku haya maamulka Somaliland muddo dhowr sanno ah ku fashilmeen helida madaxbanaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com