Xog: Hadliye oo warqad dacwad ka dhan ah S/land u diray Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu daabacay wargeyska Geeska Afrika ee kasoo baxa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Somalia ay warqado dacwad ka dhan ah Somaliland u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inuu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye, kaasi oo dowlada Turkiga looga dalbanaayay inay hakiso dal ku galka ay ku dhufaneyso Baasaboorada maamulka Somaliland.

Wargeysku waxa uu qoray in warqada uu diray Wasiir Hadliye sidoo kale lagu dacweeyay Qunsulka Turkiga u jooga magaalada Hargeysa Muzaffer Yuksel oo inta badan maamulka Somaliland u fududeeya waxyaabaha lagu baalmaraayo sharciga Somalia.

Hadliye ayaa la sheegay in Warqadaasi uu ku cadeeyay in aqoonsi dal ku gal lagu dhufto Baasaboorada Somaliland ay dhaawicikarto midnimada Somalia iyo qorshihii laga lahaa isku soo dhawaanshiyaha Somalia iyo Somaliland.

Hadliye waxa uu Wasaarada dhigiisa ah ee dalka Turkiga ka dalbaday in mar danbe aysan soo laaban talaabooyinka guracan ee uu qaadayo Qunsulkooda ka howlgala magaalada Hargeysa, waxa uuna carab dhabay in dowlada Turkiga ay astaan u tahay isku keenista Soomaalida ku kala irdhoobay Siyaasada.

Arrintaani ayaa daba socta qoraal ay dhawaan baahiyeen warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga kuwaasi oo shaaciyay in mas’uuliyiin uu kamid ahaa Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo Baasaboorkooda Somaliland loogu dhuftay fiisaha Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com