Cabdi Qeybdiid oo fariin u diray Gaas iyo Guuleed iyo xiisad ka…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Cabdi Xasan Cawaale, madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa ka hadlay xiisada ka taagan deegaanada gobolka Mudug gaar ahaan, dagaal ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in shacabka magaalada Gaalkacyo ay ka daaleen in lagu dul dagaalamo, iminkana loo baahan yahay inaan markale lagu dagaalamin lana baajiyaan dhiig kale oo daata.

Labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayuu ugu baaqay iney joojiyaan wax walbaa oo keeni kara dagaal ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in labada dhinac ay tanaasulaad sameeyaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka Puntland looga baahan yahay in Galmudug ay wadahadal kala gasha wax walbaa oo tabanaya islamarkaana la joojiya wax walbaa oo dagaal keeni kara.

“Shacabka Gaalkacyo degan yaan dushooda lagu dagaalamin, xiisadaha waxa abuuraya waa in la iska daayaa, Galmudug iyo Puntland waa labo maamul oo deris ah wixii ay kala tabanayaan wada hadal haku dhameeyaan.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku eedeeyeen Puntland in ciidamo badan ay soo dhoobeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxayna ugu baaqeen inay joojiyaan dhaq-dhaaqyada colaada abuuri kara ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com