Xog: Maxaa iska bedelay xiriirka Sheekh Shariif iyo dowlada Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu danbeeyay soo ifbaxaayay in calaaqad xumi ay soo foodsaartay dowlada Kenya iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xiriir xumidaani ayaa soo ifbaxday kadib markii dowlada Kenya ay ka gaabisay codsiyo dhowr ah ee uu u diray Sheekh Shariif taa oo salka ku heysa in laga saacido dhanka dhaqaalaha si mar kale uu gacanta ugu dhigo siyaasada Somalia.

Sheekh Shariif ayaa la sheegay in dowlada Kenya uu kala kulmay rajo xumi ku aadan in xiliga lagu jiro aysan dowlada Kenya si rasmi ah u garab istaagi karin sababo la xiriira hoos u dhac ku imaaday dhaqaalihii ay ka heli jirtay dhinaca dalxiiska.

Dowlada Kenya ayaa Sheekh Shariif u ballanqaaday inay ka shaqeyneyso sida uu garab uga heli lahaa dowladaha kale ee gacanta kula jira siyaasada Somalia.

Sheekh Shariif oo safaro badan ku tagi jiray dalka Kenya ayaa waxaa iminka gaabis ku imaaday socdaaladiisa ee dalka Kenya, bacdamaa uu niyad jab kala kulmay dowlada Kenya oo horay ugu ballanqaaday inay ka taageeri doonto dhanka dhaqaalaha.

Sheekh Shariif oo miisaan culus ku dhex leh Siyaasada Somalia, ayaa waxaa iminka taageero la garabtaagan dhowr dal oo heysta dhaqaale, kuwaasi oo rajo fog ka leh siyaasada Somalia.

Dowlada Kenya ayaa iminka si qarsoodi ah u taageereysa dhowr musharaxiin kale oo uu kamid yahay C/raxmaan Faroole.

Tani waxa ay muujineysaa xiriirka mugdiga kusii siqaaya ee iminka u bilaabanaaya Dowlada Kenya iyo Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com