MUQDISHO: Go’aan laga gaaray amniga musharaxiinta M/WEYNE

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay kulan qaatay ku dhawaad hal saac iyo bar kaasi oo u dhexeeyay Wasiirka amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed iyo Guddiga Suggida ammaanka Doorashooyinka ee dalka.

Guddiga uu la kulmay Wasiir C/risaaq ayaa waxaa hogaaminaayay Guddoomiyaha Guddiga ahna Taliyaha Booliska Somalia Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Gudigaani loogu tallo galay howlaha amniga mudada ay socon doonto doorashada dalka, ayaa waxaa dhawaan soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Somalia.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa Guddiga kala hadlay sida lagu xaqiijin lahaa amniga magaalada Muqdishi ka hor inta aysan dhicin doorashada iyo weliba doorashada kadib inta laga soo dhisaayo Xukuumada cusub ee bedeli doonta tan iminka jirta.

Wasiir C/risaaq ayaa sidoo kale Guddiga kala hadlay sida ugu haboon ee laamaha ammaanka ay uga wada shaqeyn karaan suggida ammaanka goobaha Doorashooyinka iyo Xubnah Ergada Amnigooda.

Wasiirka waxa uu sidoo kale Guddiga faray in wax laga qabto Amaanka Musharaxiinta u taagan doorashada Somalia kuwaasi oo la tartami doona Madaxweynaha iminka talada haya Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in lama huraan ay tahay in la xaqiijiyo amniga Musharaxiinta inta ay ka gaari doonaan danahooda la xiriira doorashada, waxa uuna sidoo kale Guddiga ugu baaqay inay la imaadan ciidamo suga amniga Musharaxiinta.

Guddigaani ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul wasaaraha dalka ayaa waxaa lagu wadaa in awoodooda ay saameyso dhammaan dalka, min Muqdisho ilaa Gobolada dalka kuwooda ay doorashadu ka dhaceyso.

Dhinaca kale, kulankaani ayaa imaanaya iyadoo dhawaan la filaayo in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan ololaha musharaxiinta Madaxtinimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com