Sawirro: Gaari laga soo buuxiyay Qaraxyo oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa goordhow gacanta ku dhigay gaari la sheegay in laga soobuuxiyay walxaha Qarxa oo la doonaayay in lagu haligo shacabka magaalada Muqdisho.

Gaarigaani ay qabteen ciidamada NISA, ayaa waxaa lagu dhexqabtay Degmada Xamar Weyne gaar ahaan iskuulka Xaawo-taako, xili ay maleeshiyadu indha indheyneysay halkii lagu weerari lahaa gaarigaasi.

Gaariga ay ciidamadu gacanta ku dhigeen ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa nooca loo yaqaan Kaaribka, kaasi oo gabi ahaantiisa lagu soo raray Qaraxyo iyo Hub dhalinaaya Qaraxa.

Ciidamada NISA ayaa iminka ku howlan baaritaanka gaarigaasi iyo kala furfuritaankiisa waxaana sidoo kale xiran dhammaan wadooyinka hareermara iskuulka Xaawo-taako ee Degmada Xamar weyne.

Gacan ku dhigista Gaarigaani ayaa daba socda gaadiid hore ay ciidamada NISA ugu dhexqabteen magaalada Muqdisho kuwaasi oo la doonaayay in lagu haligo shacabka maatida ah ee magaalada Muqdisho.
Qarax 1

Qarax 1o

Qarax 2

Qarax 3

Qarax 4

Qarax 5

Qarax 6

Qarax 7

Qarax 8

Qarax 9