Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Xarunta BF Somalia ayaa sheegaya in halkaasi uu Buuq iyo sawaxan xoog leh ku dhexmaray Xildhibaanada Baarlamaanka, ka dib markii uu codsi labaad uu u soo dirsaday Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.
Ra’iisal Wsaaraha, ayaa maanta warqad labaad u soo qoray Baarlamaanka Somaliya, wuxuuna kaga codsaday in 22-ka bisha laga dhigo xilligii codka loo qaadaayo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda.
Ra’iisal Wasaaraa, ayaa shalay ka codsaday Baarlamaanka in 19 bishaan codka loo qaado Golahiisa Wasiirada, hase ahaatee Xildhibaanada Baarlamaanka waa ay ka diideen. Codsigaan labaad wuxuuba ku dalbaday in 22-ka la gaarsiiyo, xilliga uu Baarlamaanka horkeeni lahaa Wasiirada.
Arrintaani, ayaa waxay buuq iyo sawaxan xoog leh ay ka dhex dhalisay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, waxayna intoodu badan diidan yihiin in la gaarsiiyo 22-ka bishaan.
22-ka oo Khamiista soo socoto ku beegan, ayaa waxay ku asteysan tahay xilliga ay fasaxa galayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Waxayna dib u soo laaban doonaan 22-ka bisha Maarso.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaad dareemeysaa in culeys xoog leh uu ka soo fuulay Xildhibaanada Baarlamaanka, uuna dareemayo inaan la ansixin doonin xukuumaddiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

