32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: XASAN Sheekh oo diiday qorshe uu soo jeediyey CC oo xal noqon kara

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan Aqalka dalka looga arrimiyo ayaa goor dhow inoo xaqiijiyay in kulan dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia iyo Ra’isul wasaaraha dalka uu kusoo idlaaday Natiijo la’aan.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid ka imaaday dhanka R/W CCC, kaasi oo ay uga wada hadlayeen arrimo ay kamid ahaayen Kacdoonka Xildhibaanada iyo Caqabadaha ka dhashay magacaabista Golaha Wasiirada.

R/W CCC ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha uu hordhigay Caqabadaha joogtada ah ee kaga imaanaya dhanka BF Somalia iyo kalsooni darada uu kala kulmay Sodomeeyo Xildhibaano uu kulan la qaatay islamarkaana kala hadlay Arrinta ansixinta Wasiirada, balse uu ku gacanseeray inay rajo u muujiyaan.

R/W CC ayaa waxa uu Madaxweynaha ka dalbaday inuu Ogolaado in Golaha Wasiirada ee la magacaabay dib looga saaro ilaa Laba Wasiir oo uu ka dhashay buuqa kaga imaanaya dhanka Xildhibaanada.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay inay soo gaaren inkabadan 20 warqadood oo kaga imaaday dhanka Xildhibaanada kuwaasi oo lagu dalbanaayo in Wasiirada laga saaro Faarax Cabdulqaadir iyo C/llahi Sambaloolshe.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa dhankiisa Ra’isul wasaaraha u sheegay inaysan suuragal aheyn in faragalin xiligaani lagu sameeyo Wasiirada la magacaabay, waxa uuna Ra’isul wasaaraha ugu baaqay inuu joojiyo Siyaasadaha dabacsan oo uu muujinaayo.

Madaxweynaha oo aan ku qanacsaneyn Fakirka uu ula imaaday Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu ku taliyay inaan laga gudbin shuruucda iyo nidaamka u degsan DF, isagoona u sheegay inuu kasoo fakiraayo sida looga talaabi lahaa go’aanada BF.

Kulanka oo aan kasoo bixin wax natiijo ah ayaa waxa uu miro dhalkiisu noqday in Labada Mas’uul ay dib uga soo tashtaan sida laga yeeli lahaa Kacdoonka Siyaasadeed ee kaga imaanaya dhanka BF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News