29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Jawaari oo ku gacan seeray codsi R/W CC uga yimid xilli xaalka ku xun yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wuxuu Baarlamaanka ka codsaday in Isniinta looga dhigo waqtiga codka kalsoonida loo qaadaayo Xukuumadiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu ku waramayaa inay go’aamiyeen in maalinta Sabtida ah Baarlamaanka la horkeeno Golaha Wasiirada cusub, si codka kalsoonida loogu qaado.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu tibaaxay inaanay ka dhigi doonin maalinta Isniinta ah, isla-markaana ay codka qaadi doonaan maalinta Sabtida, xilligaana Ra’iisal Wasaaraha laga doonaayo in Golaha Wasiirada uu horkeeno Baarlamaanka.

Arrintaani isku cakiran ayaa waxay sii giijineysaa culeyskii Xukuumadda Cumar C/rashiid kaga imaanaayay Xildhibanaada Baarlamaanka Somaliya, oo Xukuumadda uu soo dhisay ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah.

Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa sidoo kale la soo sheegayaa inaysan la dhicin Golaha Wasiiraa, ee toddobaadkaan uu ku soo dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News