29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“Heshiis walba oo aan hore ula galnay Shariif Xasan dib ayan uga laabanay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan lagu eedeeyay inuu ballamo dhowr ah uga baxay Maamulkii Lixda Gobol, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Afhayeenka maamulkii Madoobe Nuunoow Maxamed.

Afhayeen Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xassan uu diidan yahay dhaqan galinta Heshiiskii uu la galay Maamulka Lixda Gobol ee Madoobe Nuunow, waxa uuna sheegay in dhibka halkaasi ka dhaca ay Mas’uuliyadeeda qaadi doonto DF Somalia.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in laga baxay heshiis ay la gaareen maamulka Koonfur Galbeed, isagoona arrintaasi ku eedeeyay Madaxda Qaranka, gaar ahaan kuwii ka shaqeeyay isu soo dhawaanshaha labada Maamul.

Waxa uu sheegay in maamulkoodii loo balan qaaday in lasiiyo madaxweyne ku-xigeen, gudoomiyaha Baarlamaanka, qaar ka mid ah wasiirada Koonfur Galbeed sidaasna ay awood qeybsi ku noqoto.

Ugaas Maxamuud dhanka kale sheegay in ay iyagu dhankooda ka laabteen wax walba oo lagu heshiiyay, wixii maanta ka dambeeyana maamulkooda uu yahay midka saxda ah, sidiisana uu u jiro.

Dhanka kale, DF Somalia ayaan weli ka hadal Cabashooyinka kasoo yeeraya dhanka Garabka Madoobe Nuunow oo xiligaani u tafa xeydanaaya inay dib ula soo laabtaan Maamulkii Lixda Gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News