Buuq ka dhashay kulankii golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa shegay in golaha wakiilada Somaliland ay ku kala aragti duwanaadeen kulan ay maanta ku lahaayeen magaalada Hargeysa.

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay kulan ka yeesheen xaaladii deg dega ee madaxweynaha Somaliland uu kusoo rogay deegaano ka tirsan Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa dhawaan xaalad deg deg ah oo socon doonta mudo saddex bilood ah waxa uu ku soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo, kadib markii Gobolka Sanaag lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliland.

Waxaan Ajanduha ahaa ka doodista Xaalada deg deg ah ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku soo rogay  Saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Markii Codayntu bilaabatay waxaa ogolaaday xaalada deg dega ah ee deegaanadaasi lagu soo rogay 40 xildhibaan, iyadoo 66 kalana ay diideen.

Markii la rabay in gacanta loo taago inta diidan Xaalada deg dega ah ayaa gudoomiyaha Golaha wakiiladu fadhiga deg deg u soo u soo xiray iyada oo ay codeyntii socoto, Intaa ka dib buuq iyo sawaxan ayaa goobta hareeyay.

Codeynta ayaa dib loo dhigay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com