Taliyeyaasha ciidamada oo war cusub kasoo saaray go’aankii madaxweyne Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyayaasha ciidamada Somaliland ee Milatariga iyo Bileyska ayaa goordhoweyd warbaahinta la hadlay, iyaga oo sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan ay u fulinayaan go’aankii Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay xaalad deg deg ah kusoo rogey deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo bilihii u dambeeyay ay ku soo noq-noqonayeen falal Amni-darro.
Taliyaha Ciidamada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taan iyo Taliyaha ciidamada Bileyska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta sida wada-jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in cid kasta oo ka hor timaada awaamiirtaasi ay talaabo sharci ah ka qaadayan.
Taliyayaashan ayaa sheegay in Saddexdaasi degmo ee xaalada deg-dega ah lagu soo rogay ay ka shaqeynayaan amarada ciidamada oo kaliya, iyagoona faray dadweynaha deegaamadaasi inay u hogaansamaan awaamiirtaas.
Taliye Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ugu horeyntii ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa wuxuu yiri “Maadaama oo ciidamada loo xilsaaray nabadgalyada guud labadan ciidan iyo ciidamada kale ee qalabka sida iyo kuwa kale ee amniga iyagoo dhamaantoodba iskaashanaya oo gacan kala helaya inay hawlgal adag si ay nabadgalyada u sugaan ay galaan heegankaa”.
“Ciidamadu waxay qaban karaan oo ay xayiri karaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka cid kasta oo looga shakiyo inay nabadgalyada khatar ku tahay. Waxay qaban karaan cid kasta oo ciidamadaa amniga sugaya is-hortaagta ama ficilo borobogaandhe ah ama kicin ah ku kacda”.
Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa degmo kasta maamulkeeda iyo hawlaheeda gacanta ku haynaya saddexdaa bilood ciidamada qalabka sida ee ciidanka Milatariga iyo ciidanka Bileyska oo hay’adaha kale ee amniga kaashanaya, sadexdaasi degmo ay amarka u qaataan sida loo siiyo”.
Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Milatariga Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo sidoo kale isagna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa wuxuu yiri “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo saaray xeer saddex degmo oo gobolka Sanaag ah xukun degdeg ah lagu soo rogay mudo saddex bilood ah, runtii dhulkaasi qaarna Sanaag yihiin qaarna Sool yihiin ilaa 2017 dhibaato ayaa ka taagnaa”.
“Intaaba ciidamada somaliland haday bileys yihiin iyo haday milatari yihiinba hawl badan ayaa ku baxday oo dhib badan ayaa naga qabatay, dawladduna dhaqaale badan ayay galisay”.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa