Buuq ka taagan qorshe lama filaan ah oo dowladda ay u diyaarisay kursiga HOP086

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq xoog leh ayaa ka taagan doorashada kursiga HOP#086, kursigan oo kal hore loo diiday in uu qaato taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa hadda waxaa u taagan illaa shan musharax.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay damacsan tahay in la bedelo deegaan doorashada kursigan oo markii hore aheyd Beledweyne, haddana la rabo in Muqdisho loo soo wareejiyo.

Musharaxiinta kursigan marka laga reebo musharaxa ay dowladda federaalka ah wadato waxay sheegayaan in odayaal dhaqan oo beesha kursiga iska leh kasoo jeeda in loo dhex-marayo soo jeedinta wareejinta deegaan doorashada kursiga.

In qaar kamid ah odayaasha beesha kursigan iska leh dano dhaqaale loogu bedelayo soo jeedintan ayay warinayaan musharaxiinta qaarkooda, wallow aan la xaqiijin karin dhab ahaanshaha eedaas.

Waxa la rabaa in la abuuro mar-marsiiyo la xirirta duruufo amni oo ka jira Beledweyne iyo Jowhar, si kursigaan loogu boobo magaalada Muqdisho ayay leeyihiin qaar musharaxiinta kamid ah.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxa ka go’an ayaa la’leeyahay inay musharaxeeda Dr Maxamed Xaaji u xoogto kursigaan.

Halkaas markay taagan tahay waxaa kugu soo dhacaya wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kamid ah saaxiibada gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh, horena isagu ugu fadhin jiray kursigaan.

Uma badna wax uusan Faarax raali ka aheyn in lagula kici doono kursigan, waxayna u badan tahay in isaga lagu xushmeyn doono hanaanka loo marayo kursigan iyo qofka qaadanaya kursiga HOP#086.

Villa Somalia waxaa u sawiran kursiga haddii Beledweyne la geeyo, tartankiisana la furo in laga adkaan karo musharaxooda.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir xujo culus ayaa hortaalla, sagaal billood beeshiisu metelaad kuma laheyn labada Aqal ee dalka. Kursigan waxa uu seegay doorashadii madaxweynaha iyo tii guddoonka, reerkuna waxay badi arrintaas u arkeen in lagu dulmiyay.

Balse maanta waa maalin kale iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo awood haysta.

Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinku waxay illaa hadda qabteen laba kursi, waxayna ku qabteen labadoodii deegaan doorasho waa Dhuusamareeb iyo Kismaayo. Labadaas kursi waxaa ka kacay Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Mahad Salaad.

In kursigaan loo diido deegaan doorashadiisa waa arrin kale oo diiwaan-keedu xun yahay. Haddii kursigaan la boobo, loo diido in lagu qabto deegaan doorashadiisa ama buuq iyo fadeexad ka dhacdo oo la isku dayo in musharaxiinta qaar loo awood sheegto, waxay dhamaan ceebahaasi kusoo laaban doonaan wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayay leeyihiin fallanqeeyayaasha.

Tallooyinka loo jeedinayo wasiir Faarax waxa kamid ah inuu muujiyo odeynimo, isku dayo u cadaalad sameynta beesha, musharaxiinta iyo in aan markale kursiga dambiile laga dhigin oo aan laga soo tarxiilin deegaan doorashadiisa.

Dadka u tartamaya kursigan waxa ugu cadcad Dr. Maxamed Xaaji oo ay wadato dowladda federaalka iyo Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasime ku-xigeenkii hore ee Villa Somalia.