AQALKA SARE oo go’aan ka gaaray SHARCIGA NISA iyo Mahad Salad oo ka falceliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshan magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn u codeeyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.

Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyay Sharcigan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodayeen Senataradu.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo ka qayb-galay kulanka Aqalka Sare ayaa Golaha uga mahadceliyay meel-marinta Sharcigaan.

Xagaa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Sharcigan uu muhiim u yahay dowladnimada iyo sidoo kale dhismaha hay’adda NISA.

“Maanta waa maalin weyn oo aan dhidibada u taagnay tiir kamid ah tiirarka ay ku dhisan tahay dowladnimada oo ah ansixinta Sharcigan oo ay ku dhismi dooto NISA,” ayuu yiri.

Dhanka kale agaasimaha guud ee NISA, Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray si weyn ugu mahadceliyay Golaha Aqalka Sare, isaga oo ku boggaadiyay tallaabada ay qaadeen.

Mahad Salaad ayaa ballan-qaaday inuu Sharcigan ku shaqeyn doono, isla-markaana uu soo celin doono kalsoonidii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Sharcigan ayaa waxaa dhowaan soo ansixiyay Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii ay ogolaadeen ilaa 144 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa Sharcigan loo sii gudbin doonaan xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu saxiixo, kadibna loogu shaqeeyo.

Si kastaba, 53 sano kadib ayey NISA yeelatay Sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.