Dagaal iyo duqeymo culus oo ka socda Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaal culus iyo duqeymo is barbar socda ayaa maanta ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay isku hayaan ciidamada milatariga maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Wuxuu dagaalku galay maalintii 17-aad oo xiriir ah, taas oo sii adkeynaysa xaaladda adag ee haaran ka jirta magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay qaadeen ciidamada Somaliland oo sidoo kale adeegsanaya duqeyn aan kala sooc laheyn oo lagu garaacayo Laascaanood.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka socdo koonaha magaalada, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran,.

Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda halkaasi.

Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socda madaafiic ay weli ciidamada Somaliland ku garaacayaan bartamaha magaalada, waxaana lasoo wariyay in qaarkood ay ku dhaceen goobo caafimaad, kuwa ganacsi iyo xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, taas oo  kordhineyso khasaaraha dhimashada, dhaawac iyo burburka ka dhashay dagaalkaaso.

Daryanka hubka iyo duqeynta ayaa sidoo kale si xoogan looga maqlayaa meelo ka fog fog oo ka baxsan magaalada, taas oo muujineyso in dagaalka uu yahay mid aad culus.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay dhimashada dad ku dhow 100 qof, dhaawac 500 oo qof iyo burbur sii gaaray magaalada.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.