Cabdiqaasim Salaad Xasan oo diray fariin muhiim ah, ka hor furitaanka shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee dalka Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is mari-waaga u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleeyada dalka.

Cabdiqaasim ayaa kula taliyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa kale ee dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland in xalka laga abaaro dhanka wanaaga, wada shaqeynta iyo isu tanaasulka, si loog gaaro horumarka la hiigsanayo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan loo baahan in laga gudbo nidaamka 4.5, islamarkaana dalka loo jiheeyo doorasho dadweyne, si ay shacabku wax u doortaan.

“4.5, awood qaybsiga beelaha waxa ay ahayd arrin muddo kooban loo baahnaa in ay ahaato oo qabiil iyo waxaas ku dhismin, haatan waxaa loo baahan yahay in loo gudbo doorasho dadweyne si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan ayuu yiri C/qaasim.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowladdooda, islamarkaana ay ku kalsoonaan, si looga gudbo marxalada kala guurka ee haatan lagu jiro.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan magaalada Muqdisho ay shir wada-tashi ah ku leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya, iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo weli furmi la’a, sababo ku aadan is mari-waa u dhexeeya dhinacyadaasi.