Wararkii ugu dambeeyey furitaanka shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ee maanta uu si rasmi ah u furmi doono shirka saddex geesoodka ah ee u dhexeeya dowladda federaalka Somalia, Jubbaland iyo Puntland.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Wada-hadallada u dhexeeya saddexdan dhinac ayaa fadhigan kii ka horreeyay u baaqday shuruudo uu soo bandhigay Axmed Madoobe, taas oo keentay dib u dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in haatan arrintaasi laga gaaray xal horudhac, kadib markii ay xalay kulan gaar ah qaateen Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubbaland.

Sidoo kale waxaa tan iyo habeenkii Arbacada socday dadaallo kala duwan oo ay waday beesha caalamka oo gar-wadeen ka ah wada-hadallada dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland, si  xal loo helo caqabadaha ku horgudban furmashada shirkaasi saddex geesoodka ah.

Kulankan oo ay ka maqan yihiin maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobolka Banaadir ayaa daba socda shirkii Dhuusamareeb 3 ee lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkan 2020 iyo kan xiga ee 2021-ka.

Lama oga waxyaabaha ka soo baxi doono shirka Muqdisho, balse waa mid si weyn isha loogu hayo, islamarkaana ay kor-joogto ka tahay beesha caalamka.

Xaaladda siyaasadeed ayaa ah mid cakiran, xilli haatan lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana dalku uusan laheyn Ra’iisul wasaare iyo xukuumad rasmi ah.