Maxaa looga hadlay kulankii dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo A/ Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada lagu soo qaaday caqabadaha hor-gudban shirka Muqdisho oo shuruudo uu ku xiray, Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubbaland ay ka wada-hadleen arrinta ciidamada dowladda ee la geeyey gobolka Gedo, islamarkaana ay ka gaareen xal horudhac ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in arrintaasi loo saaray guddi gaar ah oo min hal xubnood ah, kaas oo ka shaqeynaya sida xal-waaea looga gaari lahaa arrintaasi.

Si kastaba, waxaan weli caddeyn in la qabanayo shirka madaxweyne Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ka hor inta aan la xalin arirnta Gedo, iyo inuu qabsoomayo kadib.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka socday shirar gooni-gooni ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, walow uu dib u dhac ku yimid furitaanka shirka saddex geesoodka ah ee dowladda, Jubbaland iyo Puntland.