Isbahaysiga PUNTLAND iyo JUBALAND oo sii shiday siyaasadda Soomaaliya

Way adag tahay in la saadaaliyo  miraha siyaasadeed oo ay hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland ka goosan karaan isbahaysiga siyaasadeed waayo isbahaysiyada siyaasadeed ee Soomaalidu waxay badanaa ku salaysan yihiin ka jawaabista xujooyin siyaasadeed.

Dhanka doorashada marka la eego Puntland iyo Jubaland wax badan iskuma biirin karaan haddii doorashadu ku salaysnaan doonto habka awoodqaybsiga 4.5. Beel ahaan waxay ka tirsan yihiin afarta beelood oo awoodda siyaasadeed isa siiyay, weliba awoodda beeleed ee Puntland iyo Jubaland waa mid lagu haysto.  Nasiib bay leeyihiin haddii ay 50% codadka xildhibaannada  soo xulaan. Waa wax ay ugu dambayn ku gorgortami doonaan. Tirada codadkaas may aha mid siyaasi ama xisbi lagula toloobi karo siyaasad ahaan.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo durbaba ololaynta siyaasadda ka billaabay Muqdisho, wuxuu ku tilmaamay caasimadda meel isbeddel uusan ka dhicin afartii sano oo ugu dambeeyay.  Dib u habaynta amniga, la xisaabtanka madaxda, la dagaallanka musuqmaasuqa uma muuqdaan Deni. Muu ogaa inuu weerar siyaasadeed ku qaaday maamulka Gobolka Banaadir.

Gobollada Koonfureed aad ayay ugu faa’iideen mashaariicda horumarineed halka Puntland ay la rafanayso dayactirka waddada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso. Puntland madaxdeedu waxay kala garan waayeen xaqa horumarineed ee dadka reer Puntland oo ah mid dowladda Federaalku asyan is hortaagi karin, iyo isqabqabsiga siyaasadeed kala dhexeeya Muqdisho. Tusaale Puntland waxay xoogga saartaa arrimmaha siyaasadda si ay iskugu ekeysiiso maamul la xisaabtami kara Dowladda Federaalka dadka Puntland oo aan la xisaabtami karin dowladda fadhigeedu Garoowe yahay.

Madaxweyne Axmed Madoobe hadalladiisu uma kulkulula sida kuwa Deni. Wuxuu og yahay inuu Madaxweyne u yahay maamul beelo kala duwani wada leeyihiin, iyo in aan loo madaxbannaanayn doonin soo xulista xildhibaannada waayo doorashadiisii baa dhalisay muran weli taagan – isagu wuxuu isu arkaa in afar sano la doortay; Dowladda Federaalku waxay u aqoonsatay maamul muddo xileedkiisu dhammaad ku dhow yahay. 2018kii Cabdiweli Gaas baa ku qanciyay Axmed Madoobe inuu gogol dhigo Kismaayo si gole iskaashi oo maamul federaaleedyadu leeyihiin loo unko. Madaxweyne Deni wuu taageeeray Golihii Iskaashiga Maamul Federaaleedyada hase ahaatee wuxuu Golihii raacay Gaas.

Isbahaysiga Puntland iyo Jubalad wuu firfircoonaysiiyay siyaasadda Soomaaliya. Weli lama hayo maamullo kale ama siyaasiyiin kale oo dabka ku qabsday Puntland iyo Jubaland.  Malaha qaar baa aamminsan in dabayl siyaasadeed ay baqtiin doonto isbahaysiga Puntland iyo Jubaland.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid