Nasong’o Muliro: Soomaaliya hadda uma baahna Kenya, mana ahan middii sidii la rabo laga yeelan jiray

Nairobi (Caasimada Online) – Prof. Nasong’o Muliro oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamaadda Technical Univeristy ee Kenya, ayaa ka hadlay tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ee ay ku joojisay jaadkii ka iman jiray Kenya, taasi oo dhaawac xooggan gaarsiisay ganacsatada Kenya.

Muliro oo oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in hab dhaqanka dowladda Soomaaliya uu muujinayo kalsooni iyo inaysan u baahneyn Kenya.

“Jawaabta dowladda Soomaaliya waxay direysaa farriin ah in dalkaas uusan iminka ahayn sidii loo haystay ee ahayd in sidii la doono laga yeelan karo,” ayuu yiri Muliro.

“Dowladda hadda jirta ee Soomaaliya waxay daremeysaa inaysna u baahneyn Kenya iyo Afrika sida muuqato, sababtoo ah quwadihii caalamka ayaa isha ku haya kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ay qaniga ku tahay.”

Dhinaca kale diblomaasiyiin la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in afar shuruud oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xirtay in jaadka la keeno Soomaaliya markii ay ganacsatada Kenya tageen Muqdisho ay u muuqdaan kuwa cayaar ah.

Waxay sababta ku sheegeen in xilligaas uu wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu ku sugnaa Nairobi, islamarkaana uusan dowladda Kenya kala hadal arrintaas.

“Ma jiro wax wada xiriir ah oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, in la isku xiro arrimaha amniga iyo ganacsigana ma ahn mid u roon labada dalba,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Daily Nation.

Dowladda Kenya ayaa wajaheysa cadaadis kaga imanaya ganacsatada jaadka kadib markii go’aanka dowladda Soomaaliya uu gaarsiiyey dhaawac xooggan oo dhaqaale.