C/XAKIIN Dhoobo-dareed: Waa kuma gudoomiyaha baarlamanka Puntyland?

Garoowe (Caasimada Online) – Cabdixakiin Maxamed Axmed oo lagu naanayso (Dhoobo-dareed) wuxuu sannadkii 1968-dii ku dhashay miyiga degmada xiingalool ee gobolka Sanaag,wuxuu dugsiga hoose,dhexe iyo sare ka dhigtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Wuxuu ka soo shaqeeyay shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaannada Puntland,wuxuuna siyaasadda kaga soo biiray Golaha degaanka magaalada Boosaaso,isagoo sannadkii 2009 ku kamid noqday Golaha wakiilada Puntland.

Mudda 10 sano ah ayuu soo fadhiyay Golaha wakiilada,isagoo Laba jeer oo hore u tartamay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,hase yeeshee aan ku guulaysan.

Markii saddexaad ayuu maanta u tartamay guddoomiyaha G. Wakiilada Puntland,isagoo wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Cabdijamaal Cismaan,kadib markii uu helay 43-cod,halka Cabdijamaal ka helay 23-cod.

Khudbad uu Baarlamanka ka horjeediyay doorashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay in uu Baarlamanka ku hoggaamin doono ilaalinta sharciga, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ka shaqeynta danaha umadda Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba.

Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku shaqeyn doono siyaasad furfuran oo wada-tashi ku dhisan,uuna dhegaysan doono talooyinka kala duwan ee xildhibaannada Golaha wakiilada.

Cabdixakiin Dhoobo dadka yaqaan waxay ku tilmaaman nin dabeecad wacan, wadaad ah oo ka agdhow culimada si fiicana wax uga bartay axkaamta iyo Fiqiga Diinta Islaamka oo sida la sheegay uu inta badan ka marsaday masaajidda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com