Maxay ka dhiggan tahay doorashada guddoomiyaha baarlamanka Puntland?

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa 43 kamid ah waxay codka kalsoonida guddoomiyaha baarlamaanka ay siiyeen guddoomiye C/Xakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed).

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kadib waxaa soo ifbaxday warbixin la xiriirta in isbadal weyn uu ku yimid shaqsiyaadkii loo saadaalinaayay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Doorashada guddoomiye Dhoobodaareed, ayaa muujisay in xubnaha sida weyn ula dagaalsanaa madaxweyne Gaas ay ku guuleysteen doorashada guddoomiyaha baarlamaaka Puntland.

Dhowr musharax oo kamid ah musharixiinta madaxweynaha Puntland ayaa u midoobay madaxweyne Gaas, waxaana hadda ay heleen kursiga guddoomiyaha baarlamaanka, maadaama musharax ay taageersanaayeen uu helay kursiga guddoonka.

Waxaanan la saadaalin karin sida xiisaha doorashada madaxweynaha isku badali karto, laakiin Musharixiin badan ayaa doonaya in markale uusan talada Puntland kusoo laaban madaxweyne Gaas.

Dr. Cali Ciise Cabdi, Saciid Maxamed Deni, Gen. Khaliif Ciise Mudan, Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano) ayaa kamid ah musharixiinta sida hoose ugu heshiiyay inay codadka isa siiyaan haddii wareega ugu dambeeya midkood uu soo baxo.

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa sii xaqiijin doonto loolanka adag ee doorashada madaxweynaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimad@live.com