Guddoonka baarlamanka PUNTLAND oo la doortay

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Puntland ayaa maanta lagu doortay doorasho maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Afar musharax ayaa xilkaasi u taagnaa, waxaana wareega ugu dambeeya u gudbay C/Xakiin Maxamed Axmed iyo C/Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana guddiga doorashada ay shaaciyeen in C/Xakiin Maxamed Axmed uu ku guuleystay Xilkaasi.

Waxay kala heleen codadka baarlamaanka;
Cabdixakiin Maxamed Axmed 43 cod
C/Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 23 cod

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood]  ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada  Puntland ayaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad helay 38-cod.

Xildhibaan Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaan Ciise oo wareega labaad kula tartamayay ayaa isna helay 14-cod,hase yeeshee wuxuu ka tanaasulay in uu u gudbo wareega saddexaad.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo oo shaaciyay natiijada ayaa ku dhawaaqay, in Cabdicaasii ku guulaystay  guddoomiye ku xigeenka 1aad,maadaama uu wareega saddexaad ka tanaasulay Cabdixamiid SH. Cabdisalaan oo la tartamayey.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee loo doortay Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku soo baxay wejiyo cusub oo kala ah;Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhobo) iyo Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@Live.com