Caalamka oo idil ayaa ka wada siman dhibka Somalia-na waa dhinaca..!

SOMAALIDA :DADKANI MIYAANEY DHULKA LAHEYN ..MISE WAXAY IS ARKEEN IYAGOO ISAGA NOOL

Taageero dulqaad yar iyo qaaddicid dag-dagsiimo badan, Xiisaha qormadan waxay igu beertay dareen igu abuuray inaan dib uga fekero arrimo badan oo ay ku jiraan dhaqan-bulshadeedka, shaqsiyadda iyo qaab nololeedka bulshooyinka ay Somalidu ku jirto .

Faciltanka shaqsiga waxaa saameyn ku leh degaanka uu ku soo barbaaray iyo waaya-aragnimadiisa nololeed iyo hab-dhaqanka dadka uu ka soo dhex tooso oo ma filan kartid in canugga Saybeeriya ku indho-furtay ee barafku ku xeeran yahay uu la mid noqon karo canuugga reer Afrika ee Namibia ku barbaaray ay isku si wax u arki karaan ..ma aha waaya aragnimo waxbarasho iyo korrin isku mid ah xitaa haddii ay helaan in ay isku dareen noqonayaan . .ma aha in ay kala caqli badan yihiin laakiin waxyaabaha ka kala guuxaya ayaan is laheyn ….QOFKU WAXAA SAMEEYA DEBEECADDA DEGAANKA KU XEERAN…..BULSHO WALBANA SIDA AY U DHIGTO MAJARAHA NOLOSHA IYO TUBTA AY KU ABAADO AYAA SAAMEEYA SIDA AY U FEKERTO …inkastoo oo ay jiraan hindiseyaal macquul ah oo bedeli kara laakin dadku wuxuu maro-ku dheg ku noqdaa waxa uu wanaagga u heysto.

Bulshooyinka markaad u kala fiirsatana waxaa ku badan dhulka baraalaha koofur ka soo xiga oo ay Somaliyana ku jirto xaalado fudeyd , go’aan qaadasho xumo , in aan si fog loo eeginba arrin laga yaabo in mustaqbalka iyo xaadirkaba saameyn yeelan karta , Taageero dulqaad yar iyo qaaddicid dag-dagsiimo badan intaba waa ka heleysaa.

Kaba sii yaab badane ..ma is weydiisay ..dalba kan uu caalamka koofur ka soo xigo..dhibtu waa ku badan tahay, faqriga waa ku badan yahay, afgembiga waa ku badan yahay, degenaansho la’aanta siyaasadeed waa ku badan tahay…abaaruha waa kaga badan yahay kuwa woqooyiga ka xiga …dimoqraadiyaddu waxay ku badan tahay dalalka dunida woqooyi kaga yaalla, qabowga woqoooyiga waa kaga badan yahay Koofurta.

Ma ogi in ay tahay sidaa wax dabiiciyan u jira iyo kale laakiin waa tan dadka koofurta caalamka ku nool laga kari la’yahay dalalka woqooyiga dunida ku yaalla ..Mareykanka , Canada, Iskandaneefiyanka ..

Dhanka kale Somaliya haddii aad koofur sii aadana fowdada , maskax la’aanta ..dowlad dhisid iyo dowlad duminta waa kaga badan tahay dhanka woqooyiga ..dagaal wuxuusan ka dhammaan koofurta…bal u fiirso koofurta Sudan ,,koofurta lubnaan…koofurta Qaaradda latin America..

Maskaxda Somalida waxaa ku jira afkaar isla weyni, xaasidnimo, qofka oo ay ku qufulan tahay yaan lagaa adkaan….qabiilka oo rumeysan yaan lagaa adkaan….waxaase meeshaba ka maqan tartan in aadanuhu galo oo uu wax ku helo hadba inta afkaar wanaagsan oo uu hayo….

Somalida waxay arkayaan oo ku nool yihiin dalkoodii oo ay iyaga gacantooda ku burburiyeen ,,,ka sii yaaceen oo qaarkood markii ay ku soo noqdeen iyagoo jaakado madow xiran isagii oo burbursan isu heystaan in ay wax soo kordhiyeen laakiin hadana in aanu dhulka ka kicin oo kor u soo kicin ka shaqeynaya.

Ma jirto afkaaro axsaab ama xisbiyo aydolojiyad cad wata oo xillka ku tartamaya waxaase jira kooxeysi dano gaaban ku aaddan …fikrado qabiileysi iyo kooxo aan wax isu oggoleyn oo kooxdii dwoladda danaheeda ka arki weydaba ay dubbe culus soo qaadaneyso si ay salka uga riddo wixii dadaal ahaa ee loo soo maray dhismaha dowlad lugaheeda isku taagta oo dalka yeesho.

Marka aad eegto taageerada iyo lid ku noqshada haba ugu badnaadeene dadka soo gala baarlamaanada waxaa lagu tilmaamaa xasil la’aan iyo ka fiirsiga oo yar ..waxaa hore loo yiri “Hadal aan fiirsi loo dhihin iyo caano aan fiiqsi loo dhamin feerahey waxyeelaan” -hadana waa oraah aan lagu dhaqmin oo afka uun ku ekaata.

Tan ..waxay igu abuurtay in aan isweydiiyo ; Dadkani miyaaney dalka laheyn …mise iyagoo dhex taagan bay is arkeen….oo maba laha……..yaase lahaa oo iga tagay oo ay saan uga silcinayaan.

W/Q: Maxamed Shiil Xasan Shiil

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online