Xilliga Isku-dhuuqa Baarlamanka oo la gaaray: Maaxdan ogeyn oo socda?

Baarlamaanka Somaaliya ayaa toddobaadkan galay xilli ay dadka qaar aad uga naxsan yihiin waxa dhici kara , qaarna ku faraxsan yihinn , Kaas oo ah waxa uu dhali karo khilaafka madaxda sare oo haatan soo gaaray halkii lagu kala goyn lahaa oo ah baarlamaanka .

Baarlamaanka waxaa hor yaalla Mooshin la soo gudbiyey oo ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha iyadoo baarlamaanka xubnihiisu u kala qeybsameen labo dhinac, ” Waa waqtigoodii ..baarlamaanku ku tilmaami jireen , xilliga isku-dhuuqa oo ah marka ay codkooda ku gorgortami jireen …ku shubo waqtigii loo bixiyey” ayuu yiri Maxamed Nasir oo ah nin dhallinyaro ah oo Muqdisho ku nool oo goob ka ahaa saddex khilaaf oo soo maray madax sare oo kala duwan oo Somali ah.

Ceydiid Ilko Xanaf oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay khilaafka hadda saaran miiska baarlamaanka ayaa ku tilmaamay khilaafka soo noqnoqda ee Madaxda sare ee Somalida in ay sabab u tahay iyadoo aaney kala qeexneyd howsha ama shaqada Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha, “Shaqadii ra’iisul wasaaraha ayaad arkeysaa iyada oo uuhayo Madaxweynaha ama ra’iisul wasaarihii oo faraha kula jira shaqo uusan laheyn ” ayuu yiri.

Cali Maxamed Geeddi ,waa ra’iisul wasaare hore oo soo maray Somaliya , isaga laftiisa khilaaf hore ayaa seejiyey shaqadiisa wuxuuse hadda aminsan yahay in ra’iisul wasaare Saacid in uu jid ku taagan yahay oo uu madaxweynuhu ku xadgudbayo shaqo uu laahaa ra’iisul wasaaraha, ” Anigu uma eexanayo Saacid waxaanse ogahay in laga gardaran yahay mana aha in shaqada ka tagao ” ayuuna yiri.

Dad badan ayaa aaaminsan in ciddda keliya ee muujisay in aan lagu taxtagin in laga faa’ideysto khilaafka madaxda uu yahay goddoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo jeediyey hadal ku aaddan xildhibanaada iyo saxaafadda oo ahaa in aan la buubunnin lagana faa’ideysan khilaafkaas hase yeeshee hadalkiisu aanu u muuqan mid laga jawaabay marka loo eego xusul duubka xildhibaanada iyo la kala safashada labada dhinac.

Xogaha baarlamaanka laga helayo waxay sheegayaan in si loo helo kalsoonida xildhibaanada uu jiro xodxodasho laaluush lagu bixinayo codkii keliyana lagu bixnayo lacag 6-7 kun oo doollar ah , waxayse isweydiintu tahay ..YAA ISKA LEH LACAGTAA ….LA FARAQAYO ..XAGEESE KA KEENEEN RA’IISUL WASAARAHA IYO MADAXWEYNAHA ?..

W/Q: Maxamed Shiil Xasan Shiil

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online