Cabdi Ibrahim Saleebaan iyo ku xigeenkiisa oo lagu dilay howl-gal qorsheysnaa

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Baarsanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay xuno sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha guutada 11-aad, qeybta 43 ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Sare Cadoow Maxamed Sahal oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay inay dileen sarkaal uu magacaiisa ku sheegay Cabdi Ibraahim Saleebaan oo ahaa madaxii  jabhadda kooxda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose iyo ku xigeenkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray inay daawaceen saddex xubnood oo kale, kadib markii ay ka hortageen weerar uu sheegay inay doonayeen inay soo qaadaan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa howl-gallo ballaaran ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.