Cabdi Iley: Shidaalka aad aragtaan waxaa ka darran midka ku jira goob uu iska heysto shaqsi kaligiis.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia laga qodaayo ceel shidaal ayaa waxaa markii ugu horeysay arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha maamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Cabdi Iley, ayaa sheegay in soo saarista shidaalka ku jira dhulka Soomaalida ay waxbadan ka bedeli doonto xaalada dhammaan deeganada maamulka.

Cabdi Iley, waxa uu sheegay in ceelasha uusan aheyn hal ceel, balse ay jiran ceelal badan oo u baahan in la qodo si looga faa’iideysto kheyraadka ku jira.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay jiraan dhowr ceel shidaal oo aysan wax war ah ka hayn Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kuwaa oo u baahan kaliya in lasiiyo wakhti kooban oo lagu soo saarayo.

Madaxweynuhu waxa uu qiray inuu jiro aag shidaal buux dhaafiyay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota, hase yeeshee la doonaayo in wakhti iyo baaritaan lagu bixiyo.

Cabdi Iley, oo arrinkaan ka hadlaaya ayaa yiri “Gobolka Jarar agagaarkeeda mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, ma garanaayo waxa uu damacsan yahay, waa dhul la ciirciiraya shidaal’’

“Dhulkaas inta ku jirta ayaa ku filan Somalia oo dhan, marka waa inaan ka shaqeynaa sida ninkaasi looga eryin lahaa dhulka uu iska heysto”

Sidoo kale, Cabdi Iley ayaa intaas sii raaciyay “Haddase waa la isaga daba yimid mana cadda waxa uu ula jeedo heesashada dhulka”.

Docda kale, Cabdi Iley ayaa hadalkaas ka jeediyay goob lagu sharaxaayay shidaalka uu maamulka soo saaray xili uu ku sugnaa magaalada Qabridahar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com