Dadka Somaliland oo loo oggolaaday in ay qaataan baasaboorka JABUUTI.!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay billowday in dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland ay siiso baasaboorka dalka Jabuuti, xilli weli Somaliland aqoonsi ka helin adduunka.

Safaarada dowladda Jabuuti ku leedahay magalada Hargeysa ayaa laga billaabay bixinta baasaboorka dalka Jabuuti, waxaana shalay baasaboorkii ugu horreeyey lasiiyey gabar maalmo kooban dhalaneyd, taas oo iyada iyo hooyadeed ay tageen safaarada Jabuuti ay ku leedahay magaalada Hargeysa.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa sheegay in gabadha ugu horreysay ee Amiira Mahad Maxamed timid Xafiiska Dowladda Jabuuti ku leedahay Hargeysa, isla markaana si rasmi ah loo siiyey Baasaboorka iyo dhalashada dalkaas.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland in ay safaarada Jabuuti ee Hargeysa ay u soo doonan doonaan baasaboorka iyo dhalashada Jabuuti, isla markaana ay diyaar u yihiin.

Ugu dambeyn Hooyada dhashay gabadha yar ee ugu horreysay ee lasiiyo dhalashada iyo baasaboorka dalka Jabuuti ayaa ugu mahad celisay dowladda Jabuuti habka ugu fudud ee magaalada Hargeysa ay uga bilaabeen bixinta baasaboorka dalkaas.

Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com