Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax oo Somaliland ka codsaday arrin la xiriirta Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online)-Sarkaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo weli ku sugan magaalada Hargeysa ayaa maanta kulan la qaaray qaar kamid ah madaxa ugu sareysa baarlamaanka maamulka Somaliland.

Qalbi-Dhagax, ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan dhinacyada xalka waara u raadinaaya Somalia.

Qalbi-Dhagax, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Somaliland ay kaalin weyn ka cayaarto dib-u-heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed oo ku kala tagay colaadihii laga soo gudbay.

Waxa uu Qalbi-Dhagax sheegay in loo baahanyahay in madaxda Somaliland ay ka shaqeeyan sidii loo heshiisiin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan ee mandiqada Geeska Afrika, sida uu haddalka u dhigay.

Nuqul kamid ahaa haddalka Qalbi-Dhagax ayaa ahaa “Somaliland waa inay ka qeyb qaadataa daminta colaada iyo nabadeynta Umadda Soomaaliyeed ee dhiban meelkasta oo ay joogaan”

“Waanu la socnaa Somaliland waa dad jecel in horumar la gaaro oo Soomaalidu nabad ahaato balse waxaa la doonayaa in wixii karaankooda ah ay la qabtaan Soomaalida kale”

Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in Soomaalidu ay qudhooda wax qabsato waxa uuna arrin muhiima ku tilmaamay in isha lagu hayo arrimaha nabad gelyada iyo horumarka inta xalka laga gaarayo.

Waxa uu sheegay in Somalia ay kasoo bogsaneyso dhibaatooyinkii ragaadiyay dhan waliba, hase yeeshee waxa uu ku baaqay in culeyska la saaro arrimaha siyaasada ee ka jira mandiqada Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa aad u adkaan doonta in Somaliland oo siyaasad ahaan iska fogeyso Soomaalida kale ay dhaqan galiso dalabka ka qeybqaadashada dib u heshiisiinta Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, Qalbi-Dhagax ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu kusii nagan doono magaalada Hargeysa, waxaana u harsan la kulanka Hogaamiyaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com