Wasaaradda A/Dibedda DF oo shaacisay sababta uu Farmaajo ugu baaqday QM

New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ka baaqday ka qeyb galka Shirka Golaha Guud Qaramada Midoobey ee ka dhacaya magaalada New York.

Sanadkii hore ayaa waxaa Soomaaliya shirkaas u matalay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre halka sanadkaan loo diray Wasiirka Arrimaha Debadda Axmed Ciise Cawad.

Waxaa kasoo baxay baaqashada madaxweynaha Shirka Qaramada Midoobay warar is khilaaf oo kala duwan. Haddaba Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay sababta uu madaxweynaha kulankaas uga baaqday.

Wasiirka Arrimaha Debadda Cawad oo wareysi siiyey Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu Madaxweynaha kulankaas uga baaqday iyadoo la qiimeenayo sida ay shaqooyinka u kala horeeyaan.

”In madaxweynaha uu shirka ka baaqdo qasab ma ahan inay sabab yeelato, laakin waxay noqon kartaa inuu arrimo ka muhiimsan tagitaankiisa New York waqtigan la joogo ay jiraan, marka in la’is weydiiyo oo lala yaabo ma’aha” ayuu yiri Cawad.

Wuxuu kusii daray  “Madaxweynaha ayaa qiimeeya sida ay u kala horreeyaan, una kala muhiimsan yihiin howlaha uu qabanaayo, waana dhaqan adduunka ka jira, wax Soomaaliya kaliya u gaar ah ma aha”.

Caasimada Online
Xafiiska New York
Caasimada@live.com