Cabdi Weli Gaas: Abgaal iyo Majeerteen way ku dulam yihiin habka 4.5, mana aqbali doonaan..!!!

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in beelaha Majeerteen iyo Abgaal ay dan weyn ugu jirto in qaabka doorashada Baarlamaanka soo socda lagu saleeyo hab deegaan iyo degmooyinka, kuna dulman yihiin qaabka 4.5 oo aanay mar dambe yeeli doonin in dalka lagu maamulo laguna dhiso dowlada cusub ee 2016.

Kulan dhex maray C/weli Gaas iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Abgaal ayuu C/weli Gaas ka sheegay in Beelaha Majeerteen iyo Abgaal ay yihiin beelo heli kara ilaa 20 degmo inay yeeshaan oo ay mid kasta hesho xildhibaano afar laab ka badan tirada ay hadda ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka ee ku saleysan 4.5.

Arrintan waxay barbar socotay shirka Madasha Wadatashiga ee Muqdisho uga socda madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada dalka iyadoo la isku mari waayay qaabka la qaadanayo doorashada soo socota oo laba dhinac loogu kala qeybsan yahay.

Beelaha Abgaal iyo Majeerteen ayaa ah beelaha ugu degmooyinka badan Soomaaliya, waxaana ay degaaan ku dhowaad 40 ka mid ah 92-ka degmo ee Soomaaliya, inkasta oo qaar lala dego.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com