XOG: GAAS iyo Cali Geedi oo heshiis gaaray iyo qorshe ka dhan ah Xasan Sheekh oo billowday.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa olole siyaasadeed ka bilaabay magaalada Muqdisho isagoo abaabul ka dhex sameeyay Beesha uu ka soo jeedo madaxweyne Xasan Sheekh, kadib wadahadal dhex maray siyaasiyiin uu horkacayay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

C/weli Gaas ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Muddulood kala hadlay arrinta la isku heysto ee ah in qaabka 4.5 lagu saleeyo doorashada Baarlamaanka soo socda, iyadoo shirkaasi kadib lagu heshiiyay in la taageero qaabka degaanada iyo degmooyinka in lagu saleeyo.

Labada beelood ee labadan mas’uul ayaa is tusiyay inay dan weyni ugu jirto qaabka degmooyinka.

Xubno ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geedi ayaa abaabulay beesha Muddulood qaar ka mid iyadoo si cad u taageeray qaabka degmooyinka in lagu soo xulo baarlamaanka cusub oo marna aan dib loogu noqon nidaamkii 4.5. Shirkii arrintaasi lagu soo bandhigay waxaa tegay ciidamo nabadsugid ah oo uu wato taliyaha NISA, iyadoo halkaasi lagu hakiyay shirkaasi.

Beelaha Abgaal iyo Majeerteen ayaa ah beelaha ugu degmooyinka badan Soomaaliya, waxaana ay degaaan ku dhowaad 40 ka mid ah 92-ka degmo ee Soomaaliya, inkasta oo qaar lala dego.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com