Sawirro yaab leh: Shirka wadatashiga oo gaaray heer goobaha lagu shaaho xal loogu raadiyo.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirarka ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya DF iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa gaaray heer lagu xaliyo goobaha lagu shaaho ee ku yaalla madaxtooyada Somalia.

Shirarkaani ay madaxda DF, maamul Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan Beesha caalamka ku qaadanayaan goobaha lagu shaaho ayaa waxa ay daliil u yihiin heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka iyo is fahan’waaga DF iyo maamulada dalka ka dhexeeya taasi oo salka ku heysa heshiiska suuragalin lahaa qaabka ay u dhaceyso doorashada dalka.

Khilaafkaani ayaa yimid kadib markii Puntland iyo Jubaland ay ku adkeysteen in nidaamka 4.5 laga gudbo loona gudbo qaab degaan halka Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Villa Somalia ay doonayaan in nidaam beeleedka 4.5 lagu soo xulo xildhibaanada.

Labada dhinac ayaan wali tanaasul ah isu muujinin.

Beesha caalamka oo ugu horeeyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay Nicholas kay ayaa isku dhabar jabinaya in khilaafka taagan xal loo helo.

Heerka Khilaafka ayaa isku bedelay oraahdii aheyd tashan weynaye hanaloo taliyo, inkastoo DF ay ku talineyso in iyada lagu soo feelo.
kay2

kay3