Gaas, Axmed Madobe & CC oo shir gaar yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho wuxuu shir gaar ah kula qaatay madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland oo iyaga isku aragti ka ah in hab deegaan lagu soo xulo baarlamaanka imaanaya 2016.

Shirkaasi seddex geesoodka ah oo ahaa mid saxaafada aan loo ogolaan ayaa xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in looga hadlayay sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda ugu sareyso dalka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada kulankaasi ka dambeysa ay aheyd sidii labada madaxweyne ay kaga soo dagi lahaayeen mowqifka adag oo ay ku taagan yihiin ee ah in qaab deegaan lagu soo xulo xildhibaanada imaanaya.

Dhinaca kale waxyaaba sida aadka ah la iskugu fahmi la yahay waxaa kamid ah tirada xildhibaanada imaaneysa sanadka soo socdo, waxaana soo baxaya tirooyin kala duwan oo aan wali la isku raacin.

Xogaha qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in lasoo jeediyay in xildhibaanada laga dhigo 125 mudane, lana sameeyo golaha aqalka sare haddii la qaato nidaamka 4.5, waana arinta ugu adag ee madaxda isku fahmi la’dahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com